Sunday, March 1, 2026

Taliyihii guud ee Ciidanka booliiska Kenya oo is casilay

Taliyaha guud ee ciidanka  booliska dalka Kenya Japhet Koome, ayaa is casilay, kaddib markii dalkaasi ay dhawaan ka dhaceen rabshado xooggan oo dowladda looga soo horjeeday, kaa oo sababay in booliiska dad badan dilaan.

Generaal Japhet Koome ayaa warqada is casilaadiisa u gudbiyay Madaxweyne William Ruto oo isna ka aqbalay, waxa ayna is casilaadiisa u muuqataa mid xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalka Kenya.

Madaxweyne William Ruto ayaa shalay kala diray golihiisa wasiirrada marka laga reebo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi, waxa ayna kala dirista xukuumadda u muuqataa mid uu cadaadiska isaga dejinayo Madaxweynaha Kenya.

Dalka Kenya waxaa ka dhacay khalalaase xooggan oo looga soo horjeeday hindise dowladda canhuurta ku kordhineysay, waxaana dibadbaxyo dadka dhigeen ugu dambeyn dowladda lagu qasbay in ay ka laabato qorshihii canshuur kordhinta.

Booliiska dalka Kenya ayaa dad badan oo shacab ah dilay in ay socdeen dibadbacyada , waxaana taliyaha booliiska lagu eedeeyay in uu amray in shacabka dhigayya dibadbaxyada rasaas ku furaan ciidanka booliiska.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay...

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa...

Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay...

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles