Monday, July 20, 2026

Taliyihii Guutada 2aad ee Ciidanka Difaaca Puntland oo qarax miino lagu dilay

Alle ha u naxariistee Gen. Axmed Cabdi Cali Qalyare Taliyihii Guutada 2aad ee Ciidanka Difaaca Puntland, ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ay dhigeen kooxda Daacish, kaas oo lala beegsaday gaadiid uu la socday, islamarkaana marayay deegaanka Dhasaan ee buuraleyda Calmiskaad.

Qaraxa ayaa sidoo kale sababay dhimashada Maxamed Hiiteeye oo ka tirsanaa ciidankiisa, halka saraakiil iyo askar kalena ku dhaawacmeen.

Gen. Qalyare, oo bishii July dalka dibaddiisa uga soo laabtay safar caafimaad, waxa uu safka hore kaga jiray dagaalka adag ay  ciidamada Puntland ay kula jiraan maleeshiyaadka kooxda Daacish eek u dhuumaalaysanaya buuraleyda gobolka Bari.

Madaxda Puntland, siyaasiyiin, iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskiisa,ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa ku tilmaamay marxuumka “shahiid ku dhintay isagoo difaacaya dalkiisa iyo dadkiisa, sarkaal geesi ah oo qiime weyn ku lahaa halganka lagula jiro argagixisada.”

Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa xusay in Gen. Qalyare uu ahaa halyey naf-hur iyo waddaniyad ku dhisan, oo door muuqda ka qaatay dagaalladii lagaga saaray cadawga dhulka shacabka Waqooyi Bari.

Masuuliyiin hore iyo siyaasiyiin kala duwan, oo ay ku jiraan Xasan Shire Abgaal, ayaa ku sifeeyay geerida Gen. Qalyare mid Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ka saartay geesi qaran oo aan la ilaawi doonin.

Gen. Qalyare wuxuu qeyb weyn ku lahaa dhismaha ciidanka Puntland iyo difaaca shacabka, isagoo sidoo kale hore uga soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka Awdal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles