Saturday, June 14, 2025

Tiro kabadan 146 ruux oo ku geeriyooday Itoobiya

146 qof ayaa ku dhintay laba dhul go’ oo ka dhacay Koonfurta Itoobiya, sida ay maamulka deegaanka u sheegeen BBC-da.

Tiro meydad ah oo ay ku jiraan konton haween ah ayaa ilaa hadda la soo saaray, balse waxaa jirta cabsi laga qabo in tiradaasi ay kororto.

Roobab mahiigaan ah oo da’ay Axaddii iyo Isniintii ayaa waxaa xigay dhul go’ dad ay ku dhinteen oo ka dhacay degmada Gofa ee Koonfurta Itoobiya.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in dadka deegaanka iyo ciidamada amaanka ay isku dayeen in ay soo badbaadiyaan dad ku dhintay dhul go’a koowaad, waxaana midda labaad ay saameysay dad u soo gurmaday.

Iyadoo baadigoobka uu socdo, waxaa jirta cabsi laga qabo in dad badan oo kale ay weli dhoobada ku hoos jiraan. Taageero deg-deg ah ayaa la siinayaa kuwa badbaaday.

Koonfurta Itoobiya ayaa marar badan oo kale lagu arkay dhul go’, balse tani waa mid ka mid ah kuwii ugu darnaa ee soo mara gobolka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles