Trump oo Hanjabaad culus u diray Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay maamulka Iran inay dilaan dibadbaxayaal nabadeed, isagoo sheegay in Washington “ay u imaan doonto badbaadintooda”

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Bulshada, ayuu ku yiri: “Waxaan nahay kuwo diyaar ah una diyaarsan inaan dhaqaaqno,” balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin.

Lataliyaha sare ee hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku jawaabay isagoo sheegay in Trump uu “ka taxadaro” hadii uu soo farageliyo, isagoo ka digay qalalaase ka dhalan kara bariga dhexe.

Ugu yaraan sideed qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dalka Iran kadib ku dhawaad todobaad oo ay socdeen mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhashay xaalado dhaqaale oo sii xumaanaya.

Jimcihii qoraal uu Trump soo dhigay bartiisaTruth Social, wuxuu sheegay “Haddii Iran ay toogto oo ay si xun u disho dibad-baxayaasha nabdoon, taas oo ah caado ay leeyihiin, Maraykanka wuxuu u imaan doonaa badbaadintooda .

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles