Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donland Trump ayaa bartiisa Truth Social ku baahiyay qoraal u uku sheegay in ciidamo badan oo ah kuwa badda ay ku wajahanyihiin dalka Iiraan.

Wuxuu sheegay in ay yihiin cudud xooggan oo xiiso u qaba shaqada loo idmaday kuwaas oo xawaare ku socda.

“Waa maraakiib ka tiro badan kuwii loo diray Venezuela, waxaana hoggaaminaya markabka weyn ee xambaara diyaaradaha, Abraham Lincoln,” ayuu yiri Trump.

“Sida ku dhacday Venezuela, ciidankanu waa mid diyaar ah, doonaya, awoodna u leh in uu si dhakhso leh u fuliyo hawshiisa, xawaare iyo xoog, haddii loo baahdo”.

Wuxuu intaa ku daray Trump: “Waxaan rajaynayaa in Iran ay si degdeg ah “u timaaddo miiska wada-xaajoodka” oo ay ka gorgortanto heshiis caddaalad iyo sinaan ku dhisan , MA JIRO HUB NUKLIYEER AH, heshiis faa’iido u leh dhammaan dhinacyada. Waqtigu wuu sii dhammaanayaa; arrintu waa mid aad u degdeg ah!

Sidii aan hore ugu sheegay Iran mar hore, heshiis gaara ! Way diideen, waxaana dhacay “Howlgalkii Midnight Hammer,” oo ahaa burbur weyn oo loo geystay Iran. Weerarka xiga wuxuu ahaan doonaa mid ka sii daran!, ha oggolaanin in taasi mar kale dhacdo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles