Monday, September 1, 2025

Turkiga muxuu ka yiri heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Tรผrkiye, Hakan Fidan, ayaa war ka soo saaray heshiiska ay gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo dowladda Turkiga ay garwadeen ka aheyd,

Fiden ayaa waxaa uu taageeray heshiiska nabadeed ee u dhexeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilloonida gobolka.

Hakan Fidan oo la hadlayay warbaahinta Bloomberg ee laga leeyahay dalka Maraykanka, waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay xiriirka Tรผrkiga iyo Midowga Afrika.

Wasiir Fidan ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday sida Tรผrkiga ay uga goโ€™an tahay ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

โ€œWaxaan si dhow ula shaqaynaynaa dowladda Soomaaliya si aan ula dagaallano kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab,โ€ ayuu yiri, isaga oo muujiyay rajo ah in arrimaha amniga Soomaaliya la xallin karo waqti ka dib haddii la helo taageero caalami ah oo joogto ah.

Fidan ayaa heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa uu ku sifeeyay tusaale ay dalalka Afrika uga faaโ€™iidaysan karaan xalinta arrimahooda.

โ€œHeshiiska nabadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya waa guul, waana tusaale muujinaya sida dalalka Afrika ay masโ€™uul uga noqon karaan arrimahooda,โ€ ayuu yiri Hakan Fidan.

Markuu ka hadlayey doorka Tรผrkiye ay ku leedahay geeddi-socodka nabadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, Fidan wuxuu tilmaamay in uusan jirin dagaal hubaysan oo ka socda gobollada kala duwan ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay arrin wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray inay weli jiraan xiisado gudaha ah oo ka taagan gudaha dalka una baahan xal deg deg ah.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli ku jira dhameystirka baaqii kasoo baxay Ankara, iyagoo haatan labada dal ay dib usoo celiyeen xiriirkoodii diblumaasiyeed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles