Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si rasmi ah u qiray in Turkigu maalintii Arbacadii magaalada Muqdisho uu ka dejiyey diyaaraddaha ay dawladda Maraykanku soo saarto ee F-16 oo ka mid ah diyaaraddaha ugu horumarsan dunida wakhti xaadirkan.

Warbixintu waxay tibaaxaysa in Turkigu muddoba shaqo ka wadey gudaha garoonka Muqdisho oo la diyaariyey Bakhaatadadii diyaaradaha la dhigu lahaa, qalabkii dayactirka iyada oo sidoo kale ay joogaan khubradii kale ee ka hawl geli lahayd.

Keenista diyaaradaha ayaa la sheegay inuu si gaar ah ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo sidoo kale hindise lagu dhisayo saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.

Tallaabadan ayaa muujinaysa xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, tamarta iyo tiknoolajiyadda, iyadoo Ankara ay sii kordhinayso joogitaankeeda gobolka.

Dhanka Wargeys ka soo baxay Gariiga ayaa isna qoray inuu Turkiga Soomaaliya keeni doono  hubka difaaca cirka ee lidka diyaaradaha dagaalka.

Qorshuhu waa in uu Turkigu difaacdo danihiisa Soomaaliya oo uu meesha ka saaro cid kasta oo caqabad ku noqon karta.

Waa isla tallaabadii uu ka sameeyey dalka Liibiya ka hor intii aanu weerarin saldhigyadii Khaliif Xaftar oo 2019-kii kaabiga u saarnaa in uu la wareego dalka Liibiya si gaar ah magaalada Tiriboli ama sida ay Carabtu ugu dhawaaaqdo Daraabulus.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles