Wadahadalo u furmaya DF iyo mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo dhex dhexaadinaysa

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ku midoobay Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo si weyn isha loogu hayo maadaama ay la xiriiraan mustaqbalka doorashooyinka dalka, khilaafka dastuurka iyo jihada kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulankan oo la sheegay in aan saxaafadda loo oggolaan doonin ayaa leh weji ka duwan wada-hadalladii hore, iyadoo markan miiska dhexdhexaadinta iyo dammaanad-qaadka ay si toos ah u fadhiyaan dowladda Turkiga, danjireyaal ka socda dalalka reer Galbeedka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Tani waa arrin muddo dheer ay ka biyo diidday xukuumadda xil-gaarsiinta ee Muqdisho, taas oo ku adkeysanaysay in aan mucaaradka loo aqoonsan dhinac sharciyad siyaasadeed leh.

Doorka Turkiga iyo saaxiibbada reer Galbeedka ayaa loo fasiranayaa fursad cusub oo lagu xaqiijin karo in qodobbada ka soo baxa shirka aysan ku ekaan warqad iyo ballanqaad siyaasadeed oo kaliya, balse ay helaan dammaanad-qaad caalami ah oo cadaadis saaraya fulintooda.

Sidoo kale, kulankan ayaa muujinaya in arrimaha siyaasadda Soomaaliya ay galeen marxalad cusub oo go’aannada muhiimka ah aan mar dambe lagu xallin karin gudaha oo keliya, balse ay si muuqata u soo galeen gacmo dibadeed oo doonaya in ay dardar geliyaan heshiis siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.

Shirkan maanta ka furmay Muqdisho ayaa sidaas darteed loo arkaa mid ka mid ah kulamadii ugu xasaasisanaa ee sannadihii u dambeeyay ka dhaca Soomaaliya, maadaama uu isku keenay dowladda, mucaaradka iyo quwadaha saameynta ku leh siyaasadda dalka, iyadoo natiijada ka soo baxda ay si toos ah u taaban karto jihada doorashada, dastuurka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles