Tuesday, March 3, 2026

Wafdi hor u dhac u ah RW Xamsa oo ku qulqulaya Laascaanood iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

Amniga guud ee deegaannada SSC-Khaatumo, gaar ahaan magaalada Laascaanood, ayaa la adkeeyay, iyadoo la kordhiyay goobaha baaritaanka gaadiidka si loo xaqiijiyo nabadgelyada, maadaama magaaladaasi uu ku wajahan yahay R/Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Wafuud kala duwan oo hor u dhac u ah safarka R/wasaare Xamsa ayaa ku soo qul qulaya magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Waxaa maanta la filaya in magaalada Laascaanood ay gaaraan wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano, kuwaasi oo gogol xaar u ah wafdiga R/Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Shalay waxaa magaalada Laascaanood gaaray, ilaalada R/wasaare Xamsa, qaar ka mid ah howlwadeenada Xafiiskiisa iyo xubno ka soo jeedo deegaanada SSC Khaatuma.

Ujeedka safarka Xamza Cabdi Barre ayaa la xiriira xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii ambaqaado howlaha harsan ee maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana wajahaya xaalado dagaal.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulkaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo ka xog-wareysan doona horumarka deegaanka, xaaladaha ka jira iyo baahiyaha gaarka ah.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in Ra’iisul Wasaare Xamza uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo, kuwaas oo haatan laga hirgelinayo deegaannada maamulkaasi KMG ah.

Somaliland, oo si weyn uga hortimid qorshaha Ra’iisul Wasaare Xamza ee safarkiisa Laascaanood, ayaa sidoo kale ka digtay booqashadan, waxayna sheegtay inuu la xiriirayo arrimo siyaasadeed iyo hurinta colaadda ka taagan gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles