Tuesday, March 3, 2026

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil ayaa sii xoogeystay, iyadoona dhinacyada ay Gantaalo xalay ilaa saaka isku adeegsanaya.

Israa’iil ayaa sheegtay in 50 ruux ay ku dhaawacmeen Gantaalada Saaka, waxaana inta ugu badan ay ku dhaceen seddex magaalo oo kala ah Tel Aviv, Ramat Gan, Holon iyo Beersheba.

Gantaalada IRAN ayaa saaka ku dhacay isbitaalka Soroka oo ku yaala xaafadda Bi’ru shacba, sida warbaahinta JPost ay baahisay,Isbitaalkaan ayaa la geyn jiray dhaawacyada ciidanka Israa’iil ee Gaza laga soo qaado.

Iran ayaa la sheegay in ku dhawaad 20 Gantaal ay ku weerartay Israa’iil, Bartamaha iyo waqooyiga Israa’iil ayaa laga maqlayaa qaraxyo culus iyo seeriga digniinta.

Sidoo kale Israa’iil ayaa Saaka weerartay xarunta Nuclear-ka Arak ama Khandab oo 250 KM Koofur Galbeed kaga beegan magaalada Tehran, Waxaana weerarka uu ka dhacay qeyb kamid ah xaruntaan, iyadoo aan la sheegin waxyeelo inay gaartay.

Taasi ayaa keentay in Saaka IRAN ay adeegsato gantaalo awood dheeraad ah leh oo ku dhacay barmaha iyo waqooyiga Israa’iil, waxayna ka baxsadeen gantaaladaan nidaam difaaceedka xitaa Mareykanka isku haleynayay.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles