Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil ayaa sii xoogeystay, iyadoona dhinacyada ay Gantaalo xalay ilaa saaka isku adeegsanaya.
Israa’iil ayaa sheegtay in 50 ruux ay ku dhaawacmeen Gantaalada Saaka, waxaana inta ugu badan ay ku dhaceen seddex magaalo oo kala ah Tel Aviv, Ramat Gan, Holon iyo Beersheba.
Gantaalada IRAN ayaa saaka ku dhacay isbitaalka Soroka oo ku yaala xaafadda Bi’ru shacba, sida warbaahinta JPost ay baahisay,Isbitaalkaan ayaa la geyn jiray dhaawacyada ciidanka Israa’iil ee Gaza laga soo qaado.
Iran ayaa la sheegay in ku dhawaad 20 Gantaal ay ku weerartay Israa’iil, Bartamaha iyo waqooyiga Israa’iil ayaa laga maqlayaa qaraxyo culus iyo seeriga digniinta.
Sidoo kale Israa’iil ayaa Saaka weerartay xarunta Nuclear-ka Arak ama Khandab oo 250 KM Koofur Galbeed kaga beegan magaalada Tehran, Waxaana weerarka uu ka dhacay qeyb kamid ah xaruntaan, iyadoo aan la sheegin waxyeelo inay gaartay.
Taasi ayaa keentay in Saaka IRAN ay adeegsato gantaalo awood dheeraad ah leh oo ku dhacay barmaha iyo waqooyiga Israa’iil, waxayna ka baxsadeen gantaaladaan nidaam difaaceedka xitaa Mareykanka isku haleynayay.