Monday, August 10, 2026

Wasiir hore Cabdullaahi Carab oo si adag uga horyimid iibinta dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Haji (Carab), oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa si adag uga horyimid go’aanka lagu iibiyay dhulkii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), gaar ahaan qeyb ka mid ah Kulliyadda Caafimaadka ee Gaheyr.

Xildhibaanka ayaa sheegay in arrintani tahay sharci-darro cad isla markaana dhaawac weyn ku ah mustaqbalka waxbarashada iyo caafimaadka dalka. “Waan aad uga xumahay, kana canbaareynayaa in si sharci darro ah loo iibiyo dhul Jaamacadeed oo muhiim ah, gaar ahaan Kulliyaddii Caafimaadka,” ayuu yiri Cabdullaahi Carab.

Wuxuu xusay in ay tahay nasiib darro weyn in goobihii waxbarashada la dayaco, iyadoo la fahmi la’yahay qiimaha iyo muhiimadda ay u leeyihiin ubadka Soomaaliyeed iyo horumarka dalka.

Xildhibaanku wuxuu soo bandhigay laba warqad oo caddeyn ah:

  1. Digniin ka timid Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (24 June 2025):

Warqaddan oo uu ku saxiixan yahay Prof. Xasan Cusmaan Guuleed, Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda ee xilka laga qaaday, ayaa lagu sheegay in dhulkii Kulliyadda Caafimaadka uu yahay hanti qaran loona baahan yahay in si adag loo ilaaliyo, lagana hortago boobka iyo xaraashka sharci darrada ah.

  1. Baaq uu soo saaray Xildhibaan Cabdullaahi Carab (09 September 2025):

Qoraalkan ayuu ku codsaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay degdeg uga hortagto iibinta dhulka, loona aqoonsado dhulka Jaamacadda Ummadda inuu yahay hantida qaranka oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada iyo cilmi-baarista dalka.

Qoraalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay burburin ku bilaabeen Jaamacada Gaheyr Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles