Wednesday, February 25, 2026

Wasiir Roobow oo digniin u diray dadka sanadkan u safraya xajka

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow, ayaa maanta digniin u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya gudashada waajibaadka Xajka.

Wasiirku wuxuu uga digay dadka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan adeegyada sharci-darrada ah ee ay bixiyaan dad aan ruqsad haysan, kuwaas oo laga yaabo inay ku lug leeyihiin khiyaano ama adeegyo aan tayo lahayn.

Wasiir Roobow wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay adeegsanayaan shirkadaha iyo hay’adaha hajjka ee ay dowladda Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsan tahay.

Tani waxay ka hortagaysaa in muwaadiniintu la kulmaan dhibaatooyin sida in la khiyaaneeyo, in la siiyo adeegyo liita, ama in la waayo adeegyo muhiim ah marka la joogo dhulka barakaysan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay si taxaddar leh u eegaan shirkadaha ay dooranayaan, isla markaana ay hubiyaan in shirkadahaasi ay haystaan ruqsad rasmi ah oo ka timid wasaaradda. Wuxuu xusay in wasaaraddu ay diyaar u tahay inay bixiso macluumaad dheeraad ah iyo liisaska shirkadaha la oggol yahay si loo hubiyo in muwaadiniintu ay helaan adeegyo hufan oo ammaan ah.

Wasiir Roobow ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay, kadib markii maanta uu k garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyay xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo sanadkaan soo gudan doono waajibaadka acmaasha xajka kuwaas oo tiradooda gaareyso 431 ruux.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay burburka ku yimid shirkii ay kula jireen Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku...

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles