Thursday, July 31, 2025

Wasiir Roobow oo digniin u diray dadka sanadkan u safraya xajka

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow, ayaa maanta digniin u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya gudashada waajibaadka Xajka.

Wasiirku wuxuu uga digay dadka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan adeegyada sharci-darrada ah ee ay bixiyaan dad aan ruqsad haysan, kuwaas oo laga yaabo inay ku lug leeyihiin khiyaano ama adeegyo aan tayo lahayn.

Wasiir Roobow wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay adeegsanayaan shirkadaha iyo hay’adaha hajjka ee ay dowladda Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsan tahay.

Tani waxay ka hortagaysaa in muwaadiniintu la kulmaan dhibaatooyin sida in la khiyaaneeyo, in la siiyo adeegyo liita, ama in la waayo adeegyo muhiim ah marka la joogo dhulka barakaysan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay si taxaddar leh u eegaan shirkadaha ay dooranayaan, isla markaana ay hubiyaan in shirkadahaasi ay haystaan ruqsad rasmi ah oo ka timid wasaaradda. Wuxuu xusay in wasaaraddu ay diyaar u tahay inay bixiso macluumaad dheeraad ah iyo liisaska shirkadaha la oggol yahay si loo hubiyo in muwaadiniintu ay helaan adeegyo hufan oo ammaan ah.

Wasiir Roobow ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay, kadib markii maanta uu k garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyay xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo sanadkaan soo gudan doono waajibaadka acmaasha xajka kuwaas oo tiradooda gaareyso 431 ruux.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles