Wasiir uu dhowaan Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka si rasmi ah ugu kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof Saalim Caliyow Ibrow, iyo Wasiirkii hore, Yuusuf Maxamed Aadan, munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo mas’uuliyiinta kale ee ugu sarreysa Wasaaradda, iyadoo sidoo kale ay ka soo qeyb galeen xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa xusay muhiimadda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay u leedahay horumarinta bulshada, isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu si hufan u fuliyo qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan shaqo-abuurka iyo adeegyada bulshada.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Prof Saalim Caliyow Ibrow, ayaa uga mahadceliyey madaxda Qaranka kalsoonida lagu aaminay, wuxuuna ballan qaaday inuu xoogga saari doono horumarinta adeegyada bulshada iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles