Wasiir uu dhowaan Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka si rasmi ah ugu kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof Saalim Caliyow Ibrow, iyo Wasiirkii hore, Yuusuf Maxamed Aadan, munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo mas’uuliyiinta kale ee ugu sarreysa Wasaaradda, iyadoo sidoo kale ay ka soo qeyb galeen xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa xusay muhiimadda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay u leedahay horumarinta bulshada, isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu si hufan u fuliyo qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan shaqo-abuurka iyo adeegyada bulshada.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Prof Saalim Caliyow Ibrow, ayaa uga mahadceliyey madaxda Qaranka kalsoonida lagu aaminay, wuxuuna ballan qaaday inuu xoogga saari doono horumarinta adeegyada bulshada iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles