Tuesday, March 3, 2026

Wasiir Xoosh iyo James Swan oo ka wadahadlay arrimaha Doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Ali Yusuf Ali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire James Swan.

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dedaallada wadajirka ah ee ku aaddan xasilinta dalka, dib-u-heshiisiinta, horumarinta hannaanka doorashooyinka iyo baahinta adeegyada dowliga ah si loo xoojiyo dowladnimada Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, si gaar ahna waxay uga wada hadleen horumarinta howlaha hortabinta u leh dowlad-dhiska, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay kawada-shaqeynta joogtada ah ee dhinacyada.

Wasiir Xoosh ayaa uga mahadceliyey Danjire Swan taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga noocan oo kale ah uu yahay mid xoojinaya horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles