Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daah-furay kulan laba Cisho ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta Dhaqaalaha iyo is dhexgalka ganacsiga dalalka geeska, kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha madasha, sida Djibouti, Kenya, S. Sudan oo Muqdisho ay soo gaareen Agaasime yaashooda Wasaaradaha Gacansiga halka Dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Sudaan ay aaladda fogaan aragga uga soo qeyb galeen shirka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaarada maaliyada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo uu wehlinayo Wasiirka Ganacsiga XFS  Maxamuud Adan Geesood iyo labada Agaasime guud ee labada Wasaaradood ayaa furitaankii kulanka waxa ay hadalo guubaabo iyo mahadcelin ah u jeediyeen xubnaha matalayay dalalka geeska Afrika ee Muqdisho soo gaaray iyo kuwa habka fogaan aragga ah uga soo qeyb galay shirka.

Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa xusay kulankaan oo ah mid farsamo in uu laf-dhabar u yahay sare uqaadidda is dhexgalka dhaqaalaha wadamada geeska Afrika sidoo kale Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Hindisaha Geeska Afrika uu ku leeyahay kor u qaadidda ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka, isagoo xusay in Geeska Afrika uu weli yahay mid ka mid ah gobollada ugu hooseeya ee isku-xirka ganacsi, oo qiyaastii 6% keliya uu yahay ganacsiga dhex mara dalalka xubnaha ah Barnaamijka Geeska Afrika ( Horn of Africa Initiative).

“Xilligan ay jiraan caqabado dhaqaale oo baahsan oo caalami ah, ganacsiga iyo maalgelintu waa tiirarka ay ku tiirsan tahay kororka dhaqaalaha qaran iyo midka goboleed, iyadoo sidoo kale la abuuri karo fursado shaqo iyo horumarineed oo dhab ah oo shacabka anfaca,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediyay furitaanka Madashaan.

Kulankani oo noqonaya kii 1-aad ee ay yeeshaan madasha Geeska tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay guddoonka noqotay ayaa waxa uu muujinayaa sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay la falgalka hey’adaha caalamiga ah iyada oo la doonayo in la horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya si looga maarmo ku tiirsanaanta taageerada caalamiga ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles