Wasiir Xoosh iyo James Swan oo ka wadahadlay arrimaha Doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Ali Yusuf Ali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire James Swan.

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dedaallada wadajirka ah ee ku aaddan xasilinta dalka, dib-u-heshiisiinta, horumarinta hannaanka doorashooyinka iyo baahinta adeegyada dowliga ah si loo xoojiyo dowladnimada Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, si gaar ahna waxay uga wada hadleen horumarinta howlaha hortabinta u leh dowlad-dhiska, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay kawada-shaqeynta joogtada ah ee dhinacyada.

Wasiir Xoosh ayaa uga mahadceliyey Danjire Swan taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga noocan oo kale ah uu yahay mid xoojinaya horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles