Wafdi ka socda Dowaldda Soomaaliya oo ka qeyb galay shir heer caalami ah oo ka socda Shiinaha

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Salaan Cabdi ayaa si rasmi ah uga qayb-galay Shirka heer Wasiir ee Isku-duwayaasha Hirgelinta Go’aannada FOCAC, kaas oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Shiinaha. Waxaa Soomaaliya uga qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo hoggaaminayey wafdi heer sare ah.

Wasiir Cabdisalaam wuxuu aad u soo dhoweeyey ballanqaadyada cusub ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Wang Yi, kuwaas oo xoojinaya iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee dhinacyada horumarka, ganacsiga, tiknoolajiyadda, iyo sugnaanta cuntada. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Shiinuhu ka qaadanayo horumarinta Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in ballanqaadyadaasi ay waafaqsanyihiin himillooyinka qaranka Soomaaliyeed ee ku saleysan xasilooni, koboc iyo dib-u-dhis.

Wasiirku wuxuu xusay in 25-kii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii la aas’aasay Madasha FOCAC, ay Afrika ku tallaabsatay horumar la taaban karo, laga bilaabo kaabeyaasha dhaqaalaha, ilaa fursadaha ganacsi iyo maalgashi oo sii ballaaranaya. Wuxuu ku tilmaamay FOCAC inuu yahay tusaale guuleystay oo ka tarjumaya waxa ay tahay saaxiibtinimo dhab ah oo aan ku salaysnayn hadal kaliya, balse ay horseedayso natiijooyin muuqda oo wax ku ool ah.

Soomaaliya, ayuu sheegay Wasiirku, waxay si buuxda u garab-taagantahay dhismaha bulsho leh mustaqbal wadaag ah oo ay hoggaan u tahay wada-shaqeyn ku saleysan ixtiraam iyo daahfurnaan. Wuxuu si cad u muujiyay mudnaanta ay Soomaaliya siineyso horumarinta awoodda aadanaha, dhismaha dowladnimada dhijitaalka ah (e-governance), horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo sare u qaadista ganacsiga la dhoofiyo, iyadoo fursad u aragta iskaashiga Shiinaha mid wax ka tari kara yoolalkaas.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles