Tuesday, August 18, 2026

Puntland oo shuruud ka dhigtay in gogosha wadatashiga la keeno Jubbaland

Wasiirka Caddaalada Maamulka Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab, ayaa qoraal adag oo uu soo saaray ku dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ku tumaneyso dastuurka dalka, kana leexatay wadadii dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay: “Wasiir 3 sano ayaa la idinka waayey, walaalayaaloow talada dhulka dhiga, dalkaan waan wada leenahe. Dastuurka dalka iyo dowladnimada kufsiga ka daaya, jidkaad ku socotaana ka jooga, horaa loogu jabaye.”

Isagoo ka hadlaya xalka laga gaari karo khilaafka siyaasadeed ee jira, Wasiir Maxamed Cabdi Wahaab wuxuu xusay afar qodob oo muhiim ah oo uu ku tilmaamay dariiqa lagu soo celin karo wadashaqeyn iyo midnimo qaran:

  1. In lagu soo noqdo dastuurka dalka ee la ansixiyay August 2012, kaas oo uu sheegay in uu yahay heshiis bulsho oo saldhig u ah dowladnimada Soomaaliya.
  2. In la aqbalo gogol wadatashi qaran, maadaama uu sheegay in madashii Wadatashiga Qaran (NCC) lagu bedelay xisbi gaar ah oo aan matalin dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed.
  3. In la oggolaado doorasho qaran oo heshiis lagu yahay, si dalka looga gudbiyo marxaladda kumeel-gaarka ah loona dhiso hay’ado sharciyad buuxda leh.
  4. In la aqbalo doorashadii Jubbaland, islamarkaana la joojiyo waxa uu ku tilmaamay “duulaanka” siyaasadeed ee ay dowladda federaalka iyo Puntlandba wadaan.

Qoraalka wasiirka ayaa imanaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinayo labada dhinac si loo helo xal siyaasadeed oo lagu gaari karo midnimo qaran.

WARARKII KALE

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

Erdogan oo door ka qaadanaya joojinta colaadda Iran iyo Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula...

Natiijada doorashada Zambia oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka Zambia ayaa sheegay in Madaxweyne Hakainde Hichilema...

Laftagareen oo ka hadlay dagaalkii Baydhabo ka dhacay

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles