Puntland oo shuruud ka dhigtay in gogosha wadatashiga la keeno Jubbaland

Wasiirka Caddaalada Maamulka Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab, ayaa qoraal adag oo uu soo saaray ku dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ku tumaneyso dastuurka dalka, kana leexatay wadadii dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay: “Wasiir 3 sano ayaa la idinka waayey, walaalayaaloow talada dhulka dhiga, dalkaan waan wada leenahe. Dastuurka dalka iyo dowladnimada kufsiga ka daaya, jidkaad ku socotaana ka jooga, horaa loogu jabaye.”

Isagoo ka hadlaya xalka laga gaari karo khilaafka siyaasadeed ee jira, Wasiir Maxamed Cabdi Wahaab wuxuu xusay afar qodob oo muhiim ah oo uu ku tilmaamay dariiqa lagu soo celin karo wadashaqeyn iyo midnimo qaran:

  1. In lagu soo noqdo dastuurka dalka ee la ansixiyay August 2012, kaas oo uu sheegay in uu yahay heshiis bulsho oo saldhig u ah dowladnimada Soomaaliya.
  2. In la aqbalo gogol wadatashi qaran, maadaama uu sheegay in madashii Wadatashiga Qaran (NCC) lagu bedelay xisbi gaar ah oo aan matalin dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed.
  3. In la oggolaado doorasho qaran oo heshiis lagu yahay, si dalka looga gudbiyo marxaladda kumeel-gaarka ah loona dhiso hay’ado sharciyad buuxda leh.
  4. In la aqbalo doorashadii Jubbaland, islamarkaana la joojiyo waxa uu ku tilmaamay “duulaanka” siyaasadeed ee ay dowladda federaalka iyo Puntlandba wadaan.

Qoraalka wasiirka ayaa imanaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinayo labada dhinac si loo helo xal siyaasadeed oo lagu gaari karo midnimo qaran.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles