Tuesday, August 18, 2026

Banaanbaxa ka socda Mareykanka oo sii xoogeystay

Mudaharaadyo looga soo horjeedo raafka soogalootiga ayaa sida gubato ugu fiday magaalooyin hor leh, halkaas oo arkarta Trump ka billaabeen in qabqabtaan dad shisheeye ah oo lagu haysto in ay Mareykanka sharcidarro ku joogeen.

Magaalada New York iyo qaybo ka tirsan gobolka Texas ayaa waxaa ka billowday dibed-baxyo looga soo horjeedo beegsiga dadka soogalootiga ah.

Ilaalada Qaranka ayaa loo daabulay gobolka Texas si loogu xoojiyo ciidamada hay’adda socdaalka ee ICE oo hawshii raafka ee ay damacsaneyd ay carqaladeeyeen bannaanbaxyadu.

Gobolkan oo ay u badan yihiin dadka muxaafidka ah ayaa u muuqda mid ay dadweynuhu doonayaan in ay cabashadooda ku muujiyaan si ka duwan gobolka California oo rabshado hareeyeen.

Dhanka New York, wallow ay bannaanbaxu ahaa mid nabdoon, haddana waxaa lagu xirxiray dad badan.

Isku geyn, mudaharaadyadu waxay iminka ka socdaan ugu yaraan 10 magaalo oo kala ah: LA, New York, Atlanta, Chicago, Philadelphia, Dallas, Austin iyo San Francisco.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

Erdogan oo door ka qaadanaya joojinta colaadda Iran iyo Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa khadka taleefanka kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles