Tuesday, August 18, 2026

Puntland oo ka hadashay dadka ka soo jeeda KGS ee ku xiran Gaalkacyo

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar baraha bulshada ku faafay oo sheegaya in dad ka soo jeeda Koofur Galbeed si afduub ah loogu hayo magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye Faysal ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo carrabka ku adkeeyay in dadkii la sheegay inay afduub yihiin ay yihiin ehelka qof 19 sano kahor ku dilay nin kasoo jeeda Gaalkacyo, falkaasi oo ka dhacay deegaanka Idaale ee gobolka Baay sannadkii 2007.

“Waa arrin qabiil ku heshiiyay, magtii waa la waayay, waxayna qoysku codsadeen in dadka la xiro ilaa laga helo magta. Ma jirto wax afduub ah ama sharci-darro ah,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxa uu intaas ku daray in beelaha Koonfur Galbeed ay si rasmi ah u oggolaadeen tallaabadaasi, islamarkaana aysan jirin wax cabasho ah oo ka timid dhinaca qoysaska la xiran.

“Reer Baydhabo, reer Jowhar iyo reer Kismaayo waa isugu kaaya mid, waana ogol yihiin in si caddaalad ah wax loo xalliyo,” ayuu yiri Faysal Shiikh Cali.

Hadalkan ayaa imanaya xilli baraha bulshada si weyn looga hadal hayay kiiskan, iyadoo dadka qaar ay ku eedeeyeen maamulka Puntland inuu si sharci-darro ah dad ugu hayo xabsi, taas oo uu guddoomiyuhu si cad u beeniyay.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

Erdogan oo door ka qaadanaya joojinta colaadda Iran iyo Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles