Dad shacab ah oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyootay, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, shil baabuur oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa isgoysyada Siinay iyo Afarta Jardiin.

Shilkan ayaa dhacay kadib markii baabuur xamuul ah oo watay konteenar uu jiiray mooto bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in khasaaraha uu ahaa mid culus, iyadoo meydadka iyo dhaawacyada loo qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada.

Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin shilkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Shilalka noocan ah ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana inta badan lagu eedeeyaa xawaaraha xad-dhaafka ah, darawalnimo la’aanta iyo kormeer la’aanta gaadiidka xamuulka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles