Tuesday, August 18, 2026

Booliiska Austria oo faahfaahin ka bixisay toogashadii ka dhacday magaalada Graz

Qofka falka gaystay waxaa la sheegay in ahaa nin reer Austria ah oo 21 jir ah kana soo jeeda deegaanka Graz, sida ay booliiska deegaanka xaqiijiyeen. Booliisku waxay sheegeen in ninkaas isdilay isagoo ku jira musqusha dugsiga. Wali waxay wadaan baaritaanka si loo ogaado sababta uu u sameeyey weerarka.

Shir jaraa’id oo ka dhacay Graz ayaa hadda dhammaaday, balse intii su’aalo laga weydiinayay saxaafadda, booliisku waxay xaqiijiyeen in ninkii weerarka geystay uusan horey ugu diiwaangashayn booliiska ilaa maanta.

Booliska ayaa sheegay in ninka laga shakisan yahay uu ku hubeysnaa labo qori oo lagu hubiyay goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay, taasi oo ay sheegeen in ay salka ku heyso aqoonta ciidanka booliska.

Booliisku waxay sheegeen inuu si sharci ah u lahaa labadii qori ee loo adeegsaday weerarka, sidoo kalena uu haystay shatiga hubka. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Austria, Gerhard Karner, wuxuu xaqiijiyay in dhibbanayaashu ay ahaayeen sagaal qof: lix dumar ah iyo saddex rag ah. Waxaa kale oo dhaawacmay 12 qof oo kale, ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha gudaha Gerhard Karner ayaa sheegay in tuhmanuhu uu ahaa arday wax ka baran jiray iskuulkii uu weerarku ka dhacay, balse uusan qalin jebin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles