Booliiska Austria oo faahfaahin ka bixisay toogashadii ka dhacday magaalada Graz

Qofka falka gaystay waxaa la sheegay in ahaa nin reer Austria ah oo 21 jir ah kana soo jeeda deegaanka Graz, sida ay booliiska deegaanka xaqiijiyeen. Booliisku waxay sheegeen in ninkaas isdilay isagoo ku jira musqusha dugsiga. Wali waxay wadaan baaritaanka si loo ogaado sababta uu u sameeyey weerarka.

Shir jaraa’id oo ka dhacay Graz ayaa hadda dhammaaday, balse intii su’aalo laga weydiinayay saxaafadda, booliisku waxay xaqiijiyeen in ninkii weerarka geystay uusan horey ugu diiwaangashayn booliiska ilaa maanta.

Booliska ayaa sheegay in ninka laga shakisan yahay uu ku hubeysnaa labo qori oo lagu hubiyay goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay, taasi oo ay sheegeen in ay salka ku heyso aqoonta ciidanka booliska.

Booliisku waxay sheegeen inuu si sharci ah u lahaa labadii qori ee loo adeegsaday weerarka, sidoo kalena uu haystay shatiga hubka. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Austria, Gerhard Karner, wuxuu xaqiijiyay in dhibbanayaashu ay ahaayeen sagaal qof: lix dumar ah iyo saddex rag ah. Waxaa kale oo dhaawacmay 12 qof oo kale, ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha gudaha Gerhard Karner ayaa sheegay in tuhmanuhu uu ahaa arday wax ka baran jiray iskuulkii uu weerarku ka dhacay, balse uusan qalin jebin.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles