Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo guddoomiyay kulanka guddi howleedka farsammo ee xiriirka arrimaha xasilinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Gen. Cabdullahi Shiekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa maanta guddoomiyey kulanka joogtada ah ee guddi howleedka farsammo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.

Kulanka oo bishani ay martigelisay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha kala duwan ee dowladda heer Federal kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha Xasilinta iyada oo ugu horreyn Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriirta howlaha Wasaaradda Amniga, Xasliinta iyo waxqabadka guddiga muddadi uu jiray.

Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo adkeeyey muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha Xasilinta iyo wacyigalinta deegaannada laga xoreeyey Cadowga Khawaarijta, waxuuna ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan ajendeyaal mideysan oo loogu adeego guud ahaan umadda Soomaaliyeed, laguna tagaerayo hortabinnada dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles