Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo guddoomiyay kulanka guddi howleedka farsammo ee xiriirka arrimaha xasilinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Gen. Cabdullahi Shiekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa maanta guddoomiyey kulanka joogtada ah ee guddi howleedka farsammo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.

Kulanka oo bishani ay martigelisay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha kala duwan ee dowladda heer Federal kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha Xasilinta iyada oo ugu horreyn Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriirta howlaha Wasaaradda Amniga, Xasliinta iyo waxqabadka guddiga muddadi uu jiray.

Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo adkeeyey muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha Xasilinta iyo wacyigalinta deegaannada laga xoreeyey Cadowga Khawaarijta, waxuuna ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan ajendeyaal mideysan oo loogu adeego guud ahaan umadda Soomaaliyeed, laguna tagaerayo hortabinnada dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo Tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan kumaandooska Danab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga...

DF oo sheegtay in ay gacanta si buuxda ugu hayso Baydhabo

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaalkii ka...

Fiqi muxuu ka yiri dagaalka Baydhabo?

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Baydhabo, ayaa...

KGS oo ka hadashay dagaalka Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in saaka magaalada...

Dagaal qaraar oo ka socda Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in halkaasi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles