Saturday, June 14, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir uga qayb galay magaalada Kampala ee Uganda

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb galay shir heer wasiir ah oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda. Shirka ayaa loogu diyaar garoobayay shir-madaxeedka Midowga Afrika oo lagu wado in uu dhawaan ka dhaco isla magaalada Kampala.

Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamse Xaadow iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

Shirka maanta ayaa diiradda lagu saaray istiraatiijiyadda horumarinta beeraha dalalka Afrika ee tobanka sano ee soo socda (2026–2035). Wasiirradii ka qayb galay shirka ayaa isku raacay in xoogga la saaro tacbashada iyo kor u qaadidda wax soo saarka beeraha si loo xoojiyo isku-filnaanta dalalka Afrika.

Shirkan oo galay maalintii labaad ayaa shalay waxaa ka qayb galay Wasiirrada Beeraha ee dalalka Afrika, kuwaas oo sidoo kale dood muhiim ah ka yeeshay mustaqbalka beeraha qaaradda.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles