Wednesday, March 18, 2026

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo xarunta Wasaaradda ku qaabishay Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha Guud ee QM.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xarunta Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya kusoo dhoweysay Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha guud ee QM Amb James Swan.

Wasiirka iyo Wakiilka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan howlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ay dalka ka wado iyo hiigsiga Wasaaradda, waxaana labada dhinac ay si gaar ah u falanqeeyeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Hay’adaha QM.

Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha guud ee QM Amb James Swan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey wasiirka iyo madaxda kale ee Wasaaradda Qoyska soo dhoweyntooda iyo dadaallada ay wadaan oo ay ugu horeeyaan ku dhiirigelinta haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda, difaacidda iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya waxaana uu ballan qaaday in hay’adaha QM ay guud ahaan si buuxda ula shaqeyn doonaan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa Amb James Swan uga mahadcelisay sida ay hay’adaha QM wada shaqeynta dhow ula leeyihiin Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxaana ay dhinaca kale la wadaagtay qorshayaasha hortebinta u leh Wasaaradda sanadaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles