Saturday, January 31, 2026

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo xarunta Wasaaradda ku qaabishay Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha Guud ee QM.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xarunta Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya kusoo dhoweysay Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha guud ee QM Amb James Swan.

Wasiirka iyo Wakiilka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan howlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ay dalka ka wado iyo hiigsiga Wasaaradda, waxaana labada dhinac ay si gaar ah u falanqeeyeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Hay’adaha QM.

Wakiilka KMG ah ee Xoghayaha guud ee QM Amb James Swan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey wasiirka iyo madaxda kale ee Wasaaradda Qoyska soo dhoweyntooda iyo dadaallada ay wadaan oo ay ugu horeeyaan ku dhiirigelinta haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda, difaacidda iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya waxaana uu ballan qaaday in hay’adaha QM ay guud ahaan si buuxda ula shaqeyn doonaan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa Amb James Swan uga mahadcelisay sida ay hay’adaha QM wada shaqeynta dhow ula leeyihiin Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxaana ay dhinaca kale la wadaagtay qorshayaasha hortebinta u leh Wasaaradda sanadaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si...

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in...

Mooshinka laga diyaariyay guddoomiye Aadan Madoobe oo la gudbiyay, maxaa lagu haystaa?

Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan...

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka wasiirada dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles