Wasiirkii Batroolka oo booqday dhaawacyadii Aboorrey, kuna baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Wasiirkii hore ee Bartroolka Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta kormeeray dhaawacyadii dagaalkii Aboorrey ee Gobolka Hiiraan, waxa uu Alle uga baryay caafimaad waara, halka dadkii ku geeriyoodana uu ku geeriyoodana uu ugu duceeyay in uu Jannadii geeyo.Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sidoo kale dhaawacyada ku wareejiyay taageero maaliyadeed, waxa uu sidoo kale ballan qaaday in uu ka war hayn doono xaaladdooda caafimaad.

Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in maanta Soomaalida ay u furantahay waddo oo kaliya waana in ay la dagaallamaan kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab, loona midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo booqda dhaawacyadii dagaalka Aboorrey.

Gobolka Hiiraan ayaa noqday meesha qura ee sida adag lagula dagaallamay Kooxda Al-shabaab oo ah  urur argagaxiso, waxaana muuqata in ciidamada dowladda & kuwa deegaanka ay xaqiijinayaan guulo ballaaran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles