Sunday, March 16, 2025

Weerar cir iyo dhul ah oo lagu qaaday degmada CeelBaraf

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar culus oo isugu jira cir iyo dhul ku qaaday deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay dhawaan la wareegeen kooxda Al Shabaab.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka huwanta ah oo garab ka helaya diyaarado dagaal oo saaxiibada caalamka leeyihiin ayaa hareereeyay deegaanka Ceelbaraf, waxa ayna ciidamada doonayaan in ay laayaan dhammaan xubnaha Al Shabaab ee ku sugan Ceelbaraf.

Weerarkan maanta lagu qaaday deegaanka Ceelbaraf ayaa imaanaya xilli shalay dagaallamayaal badan oo katirsan Al Shabaab lagu laayay deegaanka Al Kowthar ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay kusoo qaadeen weerar lagu fashiliyay/

Al Shabaab ayaa dib usoo abaabushay weeraro xooggan ay ku qaadayaan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana Al Shabaab weerarada ay soo qaaday kasoo gaaray khasaaro xooggan , kaddib duqeymo culus iyo difaac xoog leh oo ay la kulmeen.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 15/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Sheekh Shariif oo ka qeyb galay Shir caalami ah oo ka dhacay dalka Azerbaijan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa...

Ciidamada Xoogga oo Al-shabaab badan ku dilay dagaal ka dhacay Shabeelada Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Dadka deegaanka ayaa jab culus...

Aadan Madoobe oo Xildhibaan Abiib ku eedeeyay inuu lumiyay xubinnimada Golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi...

Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya oo ka hadlay xiisadda ka taagan gobolka Tigree ee dalka Itoobiya

Xukuumada Itoobiya ayaa markii ugu horaysay ku eedaysay mid...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo Al-shabaab ay ku qaadeen Awdheegle

Weerar ku bilowday qaraxyo ayaa saaka maleeshiyaadka Al-shabaab waxaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles