Weerar ku bilowday qaraxyo oo Al-shabaab ay ku qaadeen deegaano ka tirsan Hiiraan iyo duqeyn saaka ka socota Deegaanka Daaru-nimca

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ay ku qaadeen deegaano hoostaga degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan oo halkaasi saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa uu si gaar ah ugu socdaa deegaanka Cadow Gurey oo u dhexeeya deegaanka Aborey iyo degmada Buula Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iydoona dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaanada la dul dagaalamayo.

Wararka ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxay saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Cadow Gurey.

Deegaanka Cadow Gurey ayaa waxaa shalay tagay Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo SIrdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Daba geed iyo Musharax Liibaan Shuluq, halkaasina waxaa ay ka wadeen guluf dagaal oo dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xiligan ka socda deegaanka.

Dhanka kale diyaarado dagaal ayaa saaka duqeymo ku garaacaya saldhigyo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Daaru nimca ee gobolka shabeelada Dhexe.

Juqda duqeymaha ayaa laga maqlay deegaanka waxaana la bartilmaameedsanayaa maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab oo halkaasi fariisamo ka sameystay.

Duqeyntan ayaa ku soo aaadaysa xili shalay, duleedka degmada Daaru Nimca ay weerar ku qaadeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanada Hirshabelle ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana qeybo ka mid ah ku sugan madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe, waxaa uuna halkaasi ka wadaan guluf dagaal oo xooggan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles