Friday, April 17, 2026

Xabaal wadareedyo lagu aasay muhaajiriin oo laga helay Libya

Hay’adaha amniga ee Libya ayaa soo saaray ugu yaraan 28 meyd oo muhaajiriin ah oo laga helay xabaal wadareed ku yaalla saxaraha koonfur-bari Libya, sida lagu sheegay bogga rasmiga ah ee xafiiska xeer-ilaaliyaha guud Axaddii.

Meydadkan ayaa laga helay waqooyiga magaalada Kufra, iyadoo xeer-ilaaliyaha guud uu sheegay in sidoo kale la soo badbaadiyay 76 muhaajiriin ah oo ku jiray “xabsi qasab ah.”

Kufra waxay qiyaastii 1,712 kiiloomitir (1,064 mayl) u jirtaa caasimadda Tripoli.

Khamiistii, waaxda amniga ee Alwahat ee koonfur-bari dalka ayaa soo saartay 19 meyd oo muhaajiriin ah oo laga helay xabaal wadareed ku taalla aagga Jikharra. Sidoo kale, Bisha Cas ee Libya ayaa soo saartay 10 meyd oo muhaajiriin ah oo laga helay xeebta dekedda Dila ee magaalada Zawiya ee galbeedka dalka kadib markii doontii ay saarnaayeen ay degtay.

Libya ayaa noqotay marin muhiim u ah muhaajiriinta ka cararaya colaadaha iyo saboolnimada, ee u socdaalaya Yurub iyagoo maraya waddo halis ah oo saxara ah iyo badda Mediterranean-ka ah, tan iyo markii la afgambiyay hoggaamiyihii hore Muammar Gaddafi, kaddib kacdoon ay taageerayeen NATO sanadkii 2011.

“Waxaa jiray koox burcad ah oo si ula kac ah xorriyadda uga qaaday muhaajiriin sharci-darro ah, iyadoo lagu dhibaateeyay jirdil iyo tacaddiyo xanuun badan oo ka dhan ah bani’aadannimada,” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay bogga rasmiga ah ee xafiiska xeer-ilaaliyaha guud.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga ay bilaabeen baaritaanno si loo ogaado “sababta dhimashadooda.”

Sidoo kale, waxaa la bilaabay diiwaangelinta marqaati furka dadka badbaaday, iyadoo la xiray saddex eedeysane oo kala ah: muwaadin u dhashay Libya iyo laba qof oo ajaanib ah, sida lagu sheegay bayaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo ka qeyb galay Madasha Diblumaasiyadda Antaalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan...

Banaanbax maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo

Banaanbax ballaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal kamid...

DFS oo ku hanjabtay inay xayiraad ku soo rogi doonto Marinka Bab-el-Mandeb

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ambassador Cabdullaahi...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si adag u cambaareeyay safiir Israel u magacowday Somaliland

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles