Wednesday, April 15, 2026

Xamaas oo faahfaahisay sababta ay u sii deynayso la hayste Israa’iili-Ameerikaan ah

Xamaas waxay sheegtay inay sii deyn doonto Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah, laguna tuhunsan yahay inuu yahay maxbuuskii ugu dambeeyay ee haysta dhalashada Mareykanka ee weli nool gudaha Qasa, taasoo qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin.

Go’aanka ayaa yimid kahor booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagayo Bariga Dhexe maalinta Talaadada. Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay fududeynta heshiis lagu ogolaanayo in gargaarka bani’aadannimo uu tago Qasa. Qasa ayaa ku jirtay go’doon dhanka Israa’iil ah muddo 70 maalmood ah.

Horay, sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan ayaa sheegay  in kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ay wadahadallo toos ah la leeyihiin mas’uul ka tirsan maamulka Mareykanka oo ku sugan Qatar.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in Mareykanka uu ka warbixiyay qorshaha Xamaas ee ah in la sii daayo Alexander.

Sarkaal sare oo Falastiini ah oo xog-ogaal u ah wadahadallada ayaa BBC-da u sheegay in hadalka Xamaas uu ahaa mid muujinaya rabitaanka wanaag kahor imaatinka Trump.

Wuxuu sheegay in kulan kale oo u dhexeeya Xamaas iyo dhexdhexaadiyeyaasha la qorsheeyay inuu dhaco aroorta hore ee saaka oo Isniin ah, si loo dhammeystiro hannaanka sii-deynta Edan, taasoo u baahan doonta hakin ku-meel-gaar ah ee howlgalka milatari ee Israa’iil iyo joojinta duqeymaha cirka inta lagu guda jiro wareejinta.

Madaxweyne Trump ayaa xaqiijiyay sii-deynta Alexander qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee Truth Social, isagoo ku tilmaamay “war weyn” iyo “tallaabo muujinaysa daacadnimo”.

Alexander oo ku dhashay Tel Aviv balse ku barbaaray gobolka New Jersey ee Mareykanka, waa 21 sano jir wuxuuna u adeegayay cutub ciidan oo khaas ah oo ku sugan xadka Qasa xilligaas markii ay Xamaas qaadday weerarkii 7-dii Oktoobar.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles