Saturday, November 15, 2025

Xamas iyo Israel oo isku mari la’ heshiis xabbad joojin

Israel iyo Xamaas ayaa Axaddii isku mari waayay wajiga koowaad ee heshiis xabbad joojin ah oo ka hirgala Gaza iyo sii deynta qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduubaan Xamas.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Axaddii sheegay in kooxdu ay ansixisay sii deynta liis ka kooban 34 Isra’iiliyiin ah oo ka mid ah la heystayaasha, taas oo ay Xamaas ku baddalaneyso heshiis ugu danbeyntii ka hirgala Gaza.

Hase yeeshee, war kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay, in Xamaas aysan soo gudbin liiska la heystayaasha.

Laakin goor danbe oo Axaddii shalay aheyd, ayay Xamaas nuqul ka mid ah magacyada liiska ay sii deyn rabto tusisay wakaaladda wararka ee Reuters, sida ay ku warrantay wakaaladdan.

Wadahadallada heshiiska xabbad joojinta labada dhinac ayaa maalmihi lasoo dhaafay dib uga billowday magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo soo afjaro dagaalka 15-ka bil ka socda Gaza, waxana hadafku yahay in xalka kama danbeysta ah la gaaro ka hor 20-ka January markaas oo uu xafiiska Aqalka Cad ku soo laaban doono madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles