Xarumaha Nukliyeerka Iran oo la dhisayo kaddib duqeyntii Isreal

Saddex bilood kaddib weeraradii Mareykanka iyo Israel ee xarumaha nukliyeerka Iran ayaa hadda waxaa soo baxaya muuqaallo uu qaaday dayaxgacmeedka oo muujinaya dhismo ku socda xarumaha naaxinta oo labo ah.

Faahfaahinta muuqaalada aadka u sareeya ee dayaxgacmeedka Maxar uu qaaday 18-kii September ayaa muujinaya shaqo ka socota goob cusub iyo godka koonfurta ee xarunta naaxinta Natanz.

Sidoo kale waxaa la arkayay tiro gawaarida dhismaha oo jooga iyo howl qodis ah oo halkaas ka socotay.

Muuqaalada waxay sidoo kale muujinayaan in meel u dhow ay ka socotay howl balaarin ah.

Natanz waa xarunta ugu weyn ee lagu naaxiyo nukliyeerka Iran, waxana ku yaal boqolaal qalabka naaxinta ah.

Israel iyo Mareykanka ayaa duqeeyay intii uu socday dagaalkii 12-kii June, waxayna taas keentay in dhowr dhismo oo dhulka hoostiisa ku yaal la duqeeyo.

Muuqaallada dayaxgacmeedka uu ka qaaday xafrunta Fardow 23-kii September ayaa muujinaya in lix god oo markii Mareykanka duqeeyay loo jeeday in hadda ay daboolan yihiin.

Xarunta Fardow waxay ku taal buuro hoostood, waxaana duqeeyay diyaaradaha duqeyntooda ay duleeliso meelaha adag B-2.

Madaxa hay’ada nukliyeerka Iran, Mohammad Eslami, ayaa u sheegay Sky News toddobaadkan in Tehran ay ka go’an tahay in ay dib u dhisto xarumaheeda nukliyeerka.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles