Sunday, March 1, 2026

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Xukuumadda Siciid Deni ayaa Khamiista berri ah ku wajahan magaalada Garoowe.Puntland tourism

Xasan Abgaal oo lagu xasuusto in uu ahaa wasiirkii Maaliyadeed oo mudadii xil-hayntiisa aysan hal bil xuquuq la’aani ku dhicin ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, islamarkaana aysan jirin ciidamo gadoodsan oo waddooyin xirtay ayuu Siciid Deni xilka qaadis ku sameeyay 23th Sep. 2022.

Wuxuu sidoo kale kamid noqday siyaasiyiinta u tartamay xilka Madaxweynaha Puntland doorashadii Jan. 2024, balse dib loogu doortay Madaxweyne Deni ,kaddib markii uu inta badan gacantiisa ku soo qortay kuraastii xildhibaannada oo ay saxiixi jireen odayaasha dhaqanka.

Imaatinka Xasan Abgaal ee Garoowe ayaa ku soo beegmaya xilli ay xuquuq la’aan baahsan ka cabanayaan shaqaalaha iyo ciidamada Puntland oo dhawr jeer gadood sameeyay, kuwaasi oo wakhtigii xil-hayntiisa si joogto ah u heli jiray xuquuqdooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay...

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa...

Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay...

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles