Monday, September 1, 2025

Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS oo anisixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfafhiga lixaad kulankiisa 7-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 143-xildhibaan ayaa ajendihiisa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, akhrinta sedaxaad iyo u codeynta hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo akhrinta sedaxaad iyo u codeynta sharciga wax ka bedelka Sharciga Ka-hortaga Lacag dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada.

Ugu horeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga wax ka bedelka sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada, waxaana ogolaatay 141-xildhibaan laba Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, waxaana ogolaatay 142, hal xildhibaanna waa uu aamusay.

Ugu dambeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska, waxaana ogolaatay 142-xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa xildhibaanadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedyadan oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u hayaan, waxa uuna sheegay in kulamada guud ee Golaha la hakiyay inta ka dhiman bisha barakeysan ee Ramadaan.

WARARKII KALE

Ruushka oo looga shakiyay in uu carqaladeeyay diyaarad ay la socotay madaxweynaha Midowga Yurub

Ruushka ayaa lagu eedeeyay carqaladeyn kadib markii uu shaqeyn...

Wararka ugu dambeeya khasaaraha dhulgariirka Afgaanistaan

Buuraleyda fog ee gobolka Kunar, Syed Raheem wuxuu taagan...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ee BFS oo Furay Kulanka Banbaxa Ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Saraakiil ka socda Masar oo yimid Muqdisho

Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka tirsan Ciidanka...

Maxkamada ciidamada oo saaka dil toogasho ku fulisay rag ka tirsanaa Al-shabaab

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka markale dil toogasho...

Fanaanka Safwaan Halac oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Hargeysa

Waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Fanaanka caanka ah ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles