Laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 54-aad ee Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad, kuwaas oo ku sugan deegaanka Waabweyn ee gobolka Hiiraan.
Labada xubnood ee isa soo dhiibay ayaa lagu kala magacaabaa Ibraahim Maxamuud Maxamed iyo Cabdikariin Amiin Nuur, kuwaas oo la sheegay inay hore uga tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha Ururka 54-aad ee Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad, Laba Xiddigle Xuseen Xasan Shiiraar, ayaa warbaahinta u soo bandhigay labada xubnood, isagoo sheegay inay si iskood ah isu soo dhiibeen, isla markaana ay hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa xusay in ciidamada ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana ay soo dhoweynayaan cid kasta oo ka soo baxda kooxda, kana tanaasusha fikirka iyo falalka lidiga ku ah shacabka Soomaaliyeed.
Isu soo dhiibidda labadan xubnood ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sare u qaadeen howlgallada ka socda gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo firxadka iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada gobolka.


