Monday, August 17, 2026

Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in la dhameystiray Wejiga Koowaad ee Sahminta Shidaalka

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, Axad 15-ka Juun 2025, si rasmi ah u shaacisay in la soo gaba-gabeeyay wejigii koowaad ee sahaminta shidaalka badda Soomaaliya, taasoo ay fuliyeen shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) iyadoo adeegsanaysa markabka Oruç Reis.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in baaritaannada shidaalka ee badda Soomaaliya ay socdeen muddo 234 maalmood, laga bilaabo 25-kii Oktoobar 2024, waxaana la ururiyey xog muhiim ah oo laga helay gunta hoose ee badda Soomaaliya, kuwaas oo hadda la darsi doono si loo ogaado ceelasha iyo tirada shidaalka ee ku jira dhul-badeedka Soomaaliya.

Wasaarada Batroolka iyo Macdanta  ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalka dowladda ee ku aaddan soo saarista khayraadka dabiiciga ah si hufan, caddaalad ah, loona adeegsanayo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasaaraddu waxay ku dhawaaqday in marka xogta la soo ururiyey la dhammeystiro, bulshada Soomaaliyeed lala wadaagi doono natiijooyinka, si loo bilaabo wajiyada xiga ee sahminta iyo maalgelinta shidaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles