Saturday, May 30, 2026

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š X๐จ๐จ๐ ๐ ๐š D๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ku howlan tahay dhismaha Ciidanka Qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada, taas oo ay saldhig u tahay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in difaaca dalka iyo xoreyntiisa ay tahay mudnaanta kowaad ee uu leeyahay ciidanku, sidaas darteed Askariga Soomaaliyeed uu leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah.

โ€œCiidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda, waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeedโ€. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo dardaaran u jeediyay ciidanka tababbarka qaatay, ayaa xusay in cutubyadani ay door weyn ka ciyaari doonaan dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah oo caqabad ku ah amniga iyo midnimada dalkeenna.

Raiisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga shacabkooda iyo Xukuuumaddooda, dadaalkooda iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo Maka kula kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqeymo culus oo lagu Beegsaday goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo...

Aadan Madoobe oo si adag ugu Jawaabay Lafta gareen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Musharaxa...

Iiraan iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta

Mareykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaaray heshiis lagu kordhinayo...

Netanyahu oo ciidamada Israaโ€™iil ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Qasa ilaa 70%

Raโ€™iisul Wasaaraha Israaโ€™iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles