𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐮𝐮 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐜𝐮𝐮𝐝𝐢 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲.

Wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐥-𝐌𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝 oo casuumaad rasmi ah ka helay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Maamulaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Soomaaliya, kulamadaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha maalgalinta mashaariicda horumarineed ee gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo uu weyhliyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xildhibaan Cabdullhi Bidhaan Warsame ayaa intii lagu sugnaa qeybta soo dhaweynta ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxa ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Dalka iyo qorshayaasha kulamada soo socda ay siiyeen Suldaan Al-Marshad iyo wafdiga la socday.

Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maamulaha Guud aqbalaadda casuumaddii uu u fidayay.

“Sharaf ayay ii tahay in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyo Suldaan Al-Marshad iyo kooxda la socota oo booqasho taariikhi ah noogu yimid, inta lagu guda jiro imaatinkiisa Soomaaliya waxa aan wada yeelan doonaa shirar muhiim ah, waxa aan isla meel dhigi doonaa fursadda maalgalineed ee hadda ka jira Soomaaliya, si aan sare ugu qaadno dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga waxa uu ka mid yahay hey’adaha sida gaarka ah ula shaqeeya Dowladda sidoo kalena waxa uu qeyb weyn kulahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha ee horseeday in Dowladda Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles