𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Qaran ee Hoggaaminta (NLA), kaas oo ka shaqeeya horumarinta arrimaha hoggaaminta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa maamulka iyo guddigan ka dhagaystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha NLA , waxayna guddiga soo bandhigeen in la dhammaystiray xarumihii uu ku hawlgali lahaa akadeemiyadd , la dajiyay manhajkiisa, islamarkaasna xarumo iyo jaamacado waaweyn oo caalami ah la gaareen heshiisyo isfaham ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee ay ka qabteen akadeemiyadda , isaga oo sheegay in uu ku soo aadday markii loogu baahi badnaa:

“Waa in aan helnaa xarumo waxbarasho oo wax-ka-badel dhab ah ku sameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo sare u qaada wacyiga qofka, badela hab fakarka qaldan, soona saara qof leh tayo hoggaamineed oo danta dalka iyo dadka ku qotanta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay xubnana uu la kulmay.

Ugu dambayn, waxa uu Ra’iisul Wasaaraha XJFS kula dardaarmay xubnaha ka socda Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaran ee (NLA) in ay la yimaadaan fikir wax looga beddelayo hab-dhaqannada bulshada ragaadiyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa iyo qabyaaladda.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles