Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun, oo ah mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee Mashruuca Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP), munaasabad taariikhi ah oo lagu qabtay deegaanka Sabuun.
Dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun wuxuu astaan u yahay in JOSP uu galay marxalad cusub oo hirgelin muuqata ah, kaddib sannado qorshayn, daraasado farsamo iyo wada-shaqayn dhexmartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Hirshabeelle, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibada horumarinta.
Biyo-xireenka Sabuun waa tiir muhiim u ah nidaamka maaraynta biyaha iyo waraabka ee Jowhar. Dib-u-dhiskiisu wuxuu gacan ka geysan doonaa xakamaynta iyo maaraynta biyaha Webiga Shabeelle, dib-u-soo-nooleynta nidaamyada waraabka, yaraynta khatarta fatahaadaha iyo kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha.
Mashruucu wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay bulshooyinka ku tiirsan beeraha ee Hirshabeelle iyo deegaannada kale ee ku teedsan nidaamka Webiga Shabeelle, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah Koonfur Galbeed. Muddo dheer, bulshooyinkani waxay la tacaalayeen fatahaado soo noqnoqda xilliyada roobka iyo biyo-yaraan xilliyada abaarta.
Dib-u-dhiska Sabuun wuxuu qayb ka yahay aragti ballaaran oo JOSP looga gol leeyahay in lagu beddelo habka looga jawaabo fatahaadaha iyo abaaraha, iyadoo laga gudbayo gurmad joogto ah loona wareegayo kaabayaal waara, maarayn biyo oo qorshaysan iyo adkeysi bulsho.
Marka nidaamka Sabuun iyo kaabayaasha la xiriira ay shaqeeyaan, beeraleydu waxay heli doonaan biyo waraab oo la isku halayn karo, taas oo u oggolaanaysa inay kordhiyaan wax-soo-saarka, ballaariyaan beeraha, abuuraan shaqooyin, isla markaana xoojiyaan sugnaanta cuntada iyo dhaqaalaha deegaanka.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibril Abdirashid Haji Abdi, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane George Conway, Safiir Pier Mario Daccò Coppi, Agaasimaha FAO Soomaaliya Mudane Etienne Peterschmitt, madaxda Dowladda Hirshabeelle, wakiillada hay’adaha Qaramada Midoobay, saaxiibada horumarinta iyo bulshada deegaanka.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa uga mahadceliyay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku bahoobay hirgelinta JOSP dadaalka, iskaashiga iyo kaalinta ay ka qaateen sidii mashruucan muhiimka ahi u miro-dhali lahaa. Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo wada-shaqaynta joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Isuduwaha Mashruuca JOSP, Mudane Aadan Cabdulle, dadaalka, hoggaaminta iyo sida ay uga go’an tahay xaqiijinta guusha mashruuca. Wuxuu xusay in dadaalka joogtada ah iyo wada-shaqaynta dhammaan dhinacyadu ay door muhiim ah ka qaateen in JOSP uu maanta gaaro marxaladdan taariikhiga ah ee bilowga dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun.
JOSP waxaa iska kaashanaya hay’ado ay ka mid yihiin FAO, IOM, UNEP, UN-Habitat iyo UNIDO, iyadoo taageero muhiim ah ay ka geysanayaan FCDO, Dowladda Norway, Dowladda Talyaaniga iyo Somali Joint Fund.
Bilowga dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun wuxuu JOSP u horseedayaa marxalad cusub oo mashruucu uga gudbayo qorshe iyo diyaargarow una gudbayo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah ee loogu talagalay inay wax ka beddelaan nolosha bulshada ku nool hareeraha Webiga Shabeelle.
Dowladda Hirshabeelle waxay xaqiijinaysaa inay sii wadi doonto wada-shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha fulinaya JOSP, saaxiibada horumarinta iyo bulshada deegaanka si loo xaqiijiyo in dib-u-dhiska Sabuun iyo qaybaha kale ee mashruucu ay keenaan natiijooyin waara oo ay shacabka Soomaaliyeed si toos ah uga faa’iidaystaan.










