26 qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay xabsi ku yaal Sri Lanka

Rabshado ka socday labo maalmood xabsiga Negombo, oo ku yaalla magaalo xeebeed waqooyi ka xigta caasimada Colombo ayaa ka billowday iska horimaad dhex maray laba kooxood oo maxaabiis ah.

Wararku waxay sheegayaan in hubka askarta ilaalada uu gacanta u galay maxaabiista. Labo qof ayaa maalintaas la dilay iyadoo tobaneeyo Kalena ay dhaawacmeen. Markii dambe, maxaabiis rag iyo dumar isugu jira oo qeyb kale ku jiray ayaa soo fuulay dabriga iyagoo dalbanayay in la sii daayo.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in weli la daaweynayo 23 askari oo ka tirsan shaqaalaha xabsiga iyo 54 maxbuus.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka Negombo. Agaasimaha isbitaalka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in qaar ka mid ah dadka ay ku dhaawacmeen rasaas.

Ehelka maxaabiista ayaa isugu yimid dibadda xabsiga. Qaar ka mid ah ayaa u sheegay Warbaahinta  in aysan ogeyn halka ay ku sugan yihiin dadkooda.

Xigasho BBC

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles