Monday, July 13, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh”Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe), ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ka daaleen siyaasad qofeysan, islamarkaana Dowladda Federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah ay isla garteen in dalka dib-u-habeyn siyaasadeed laga sameeyo dalkana uu u jiheysto siyaasad xisbi iyo doorasho qof iyo cod ah.

“ Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobolleedkada in badan oo ka mid ah waxaa la iska gartay dalka in dib-u-habeyn siyaasadeed oo rasmi ah laga sameeyo oo sida adduunyada ay taqaano u dhaqano, Siyaasad qofeysan Soomaaliya way kasoo daashay mana kusii jireyso, waxaana dalka ka hana-qaaday Siyaasad leh nidaam la yaqaano oo shacabku leeyahay.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashooyinkii nabadoonaa ee taariikhiga ahaa ee qabsoomay ay direen fariin doorasho qof iyo cod ah oo dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabeen, isaga oo xusay in dalka intiisa kale la gaarsiinayo doorashooyinka tooska ah ee hadda socda.

“Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah, dalka intiisa kale waa la gaarsiinayaa waana ka dhaqan-geleysaa.”

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in doorashooyinkii taariikhiga ah ee ka qabsoomay deegaannada Koonfur Galbeed ay astaan u yihiin jihada cusub ee Soomaaliya u qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xasilloonida iyo Dowlad dhiska, wuxuuna carabka ku adkeeyay in uu dalka ka gudbay xilligii ay doorashooyinka ku koobnaayeen dano gaar ah iyo siyaasado shaqsi ku saleysan.

WARARKII KALE

Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalada ballistic-ga ah oo Xuutiyiinta ays oo rideen

Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga...

Ciidamada Yemen oo weeraray garoonka Sanca si ay uga hortagaan diyaarad Iran leedahay

Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegaya in qaraxyo ay...

Kenya oo weerar sirdoon ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab,lana Burburiyay Xero qarsoodi oo ku taala Mandheera

Ugu yaraan 11 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa...

MW Xasan Sheekh oo amar ku bixiyay in hoos loo dhigo Calanka Qaranka Kadib Geerida Amiirkii Hore ee Qatar

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga Qaybgalo Aaska Amiirkii Hore ee Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan dalka...

Puntland oo qorsheynaysa Furista Suuqyada Boosaaso iyo Ganacsatada oo diidan bixinta Canshuurta Cusub

Xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ayaa weli taagan, iyadoo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles