Puntland oo sheegtay in la dilay Ajaanib Daacish iyo mid la qabtay

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Gobolka Bari lagu dilay maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay Buuraleyda Calimiskaad.

Sadexda xubnood ee ka tirsan Daacish ee la dilay ayaa u kala dhashay wadamada Morocco, Ethiopia iyo Somalia.

War ka soo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ayaa lagu sheegay in nolashada lagu qabtay Nin u dhashay Tanzania.

“Hawlgal Ciidanku sameeyay waxay dileen saddex Firxadka argagixisada Daacish ah oo u kala dhashay Moroco, Ethiopia iyo Somalia, waxay nolosha ku qabteen hal nin oo u dhashay Tanzania. Ragan ayaa laga hawlgalay iyagoo isku dayaya in ay Geel ka dhacaan reer baadiyaha deegaanka Dhidigale – ee buuralayda Calmiskaad, Geelii ayaa loo celiyay dadkii lahaa waxayna muujinaysa tani xaaladda naflacaariga ah ee ay marayaan firxadka Argagixisada Daacish.” Ayaa lagu yiri warka.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in duullaannada ka dhanka ah Daacish la sii wadi doono illaa laga cirib tiro dhammaan kooxaha ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles