Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la leeyahay ergada diblumaasiyadda fadhigoodu yahay dalka ayaa maanta qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Mudane Makhail Golovanov.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa safiirka uga xog waramay xaaladda guud ee dalka sida amniga iyo horumarada laga sameeyay dowlad-dhiska, baahinta adeegyada dowladda iyo kaalinta sii kordhaysa ee dowladda Soomaaliya ku yeelatay qeyb ka noqoshada maslaxada adduunka.

Waxa sidoo kale kulanka looga hadlay xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal. Sidoo kale Mudane Xamse ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dadka ay abaaraha saameeyeen, iyo jawaabaha ugu habboon ee laga bixin karo.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Mudane Makhail Golovanov ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya sida diirran ee xiriirka ku socdo, isaga oo intaas ku daray in ay sii balaarin doonaan xiriirada.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha waxaa joog-boog ka ahaa

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo warbixin tirakoobyo leh diyaariyay, iyo sidoo kale Xoghayeyaasha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles