Wednesday, February 25, 2026

Maraykanka oo markab shidaal ku qabtay xeebaha Venezuela

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku qabteen markab shidaal oo marayay xeebaha dalka Venezuela, taasi oo muujineysa inuu sii kordhayo ololaha cadaadiska Washington ee ka dhanka ah dowladda Nicolas Maduro.

“Waxaan hadda ku qabannay markab ku sugan xeebaha Venezuela – markab weyn, oo aad u weyn, waa kii ugu weynaa ee abid la qabto dhab ahaantii,” ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad.

Xeer ilaaliyaha guud ee Pam Bondi oo sii daayay muqaal ku saabsan qabashada markabka ayaa ku tilmaamay markabka “markab saliid ceyriin ah waday oo loo isticmaali jiray in lagu soo raro saliidda cunaqabateyntu saaran tahay ee Venezuela iyo Iran”.

Caracas ayaa si degdeg ah u cambaareysay falkaas, wuxuuna ku tilmaamay fal “burcadbadeed caalami ah”. Goor sii horreysay, madaxweyne Maduro wuxuu caddeeyay in Venezuela aysan weligeed noqon doonin “mid shidaalkeeda la gumaysto”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay burburka ku yimid shirkii ay kula jireen Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku...

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles