Tuesday, July 14, 2026

Wararkii ugu dambeeyay qaraxii ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada Gen. Dhagabadan ee Degmada Wadajir

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay afaafka hore ee xerada Gen. Dhagabadan, oo horey loogu yiqiin Xero Nac Nac, kana tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qof naftiis hallige ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku dayay inuu gudaha u galo xerada lagu tababaro ciidanka ku biiraya dowladda Soomaaliya. Ilaa hadda lama shaacin sida uu ku soo gaaray albaabka xerada, balse ciidamada joogay goobta ayaa ka hor istaagay inuu gudaha u gudbo.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu xaqiijiyay in ninka ismiidaamiyaha ah ay ciidamada toogteen ka hor inta uusan gudaha u gelin xerada, hase ahaatee qaraxu uu dhacay xilli uu ku jiray isku daygiisii gelitaanka.

Qaraxa ayaa sababay dhaawac gaaray askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaalinayay xerada, inkastoo aysan dowladda weli faahfaahin tirada dhaawaca iyo khasaaraha kale ee ka dhashay.

Xerada Gen. Dhagabadan (Xero Nac Nac) oo ku taalla degmada Wadajir, ayaa horey u ahayd bartilmaameed ay Al-Shabaab dhowr jeer ku qaadeen weeraro ismiidaamin ah, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Taliska ciidanka xoogga ayaa sheegay in feejignaan dheeri ah la geliyay xerada, isla markaana ay wadaan baaritaan ku saabsan sida uu fuliyaha ismiidaaminta ku soo gaaray agagaarka xerada. Dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda kama hadlin faahfaahinta khasaaraha rasmiga ah.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo xoog leh oo lagu xoojinayo ammaanka caasimadda, iyadoo ciidanku ay sheegeen inay sii wadi doonaan ka hortagga falalka argagixisada ee Al-Shabaab ku bartilmaameedsato fariisimaha militari iyo dadka shacabka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalada ballistic-ga ah oo Xuutiyiinta ays oo rideen

Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga...

Ciidamada Yemen oo weeraray garoonka Sanca si ay uga hortagaan diyaarad Iran leedahay

Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegaya in qaraxyo ay...

Kenya oo weerar sirdoon ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab,lana Burburiyay Xero qarsoodi oo ku taala Mandheera

Ugu yaraan 11 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa...

MW Xasan Sheekh oo amar ku bixiyay in hoos loo dhigo Calanka Qaranka Kadib Geerida Amiirkii Hore ee Qatar

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga Qaybgalo Aaska Amiirkii Hore ee Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan dalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles