War cusub oo ka soo kordhay dilkii Caaqil Cumar ee dhawaan lagu dilay Sanaag

Guddi loo xilsaaray baarista dilkii Nabadoon Cumar Cabdullaahi Axmed ayaa soo saaray warbixin dhamaystiran oo ku saabsan dhacdadii lagu dilay caaqilka, taas oo ay ku caddeeyeen xogihii ay ururiyeen hay’adaha amniga Puntland iyo marag-furistii la helay.

Warbixin rasmi ah oo ay soo saareen guddigan ayaa lagu sheegay in Caaqil Cumar uu 13-kii September 2025 ka baxay magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag, isaga oo u socdaalayay degmada Badhan, si uu uga qayb galo wada-hadal lagu xallinayey khilaaf u dhexeeyay laba beelood oo deegaanka ah. Guddiga baaristu waxay caddeeyeen in Caaqilka uu ka tirsanaa guddi nabadeed oo uu hoggaaminayay Suldaan Cabdisalaan.

Guddiga waxay sheegeen in Caaqil Cumar uu ahaa caaqil si rasmi ah uga diiwaangashan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, isla markaana door muuqda ku lahaa nabadaynta iyo waanwaanta bulshada gobolka Sanaag.

Hay’adaha amniga Puntland, oo ay ka mid yihiin CID-da iyo nabadsugiddu, ayaa warbixintan ku caddeeyay inuusan marxuumku lahayn wax gal dambiyeed ah ama kayd ku jira diiwaanada amniga. Dadka deegaanka oo goobta joogay ayaa iyaguna xaqiijiyay in Caaqil Cumar uu kaligiis watay gaarigiisa markii la beegsaday.

Guddigu wuxuu soo bandhigay haraagii gantaallada lagu garaacay iyo sawirradii laga qaaday goobta weerarka, kuwaas oo muujinaya nooca hubka la isticmaalay, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay gaarigii uu watay oo ahaa nooca Suzuki. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in taliska AFRICOM uu qirtay duqeyntii lagu dilay caaqilka.

Baaritaanka DNA-da ee la sameeyay ayaa si cad u muujiyay in goobta uu ku dhintay hal qof oo lab ah, taas oo waafaqsan xogta kale ee baarista.

Guddiga ayaa ugu dambayn sheegay in Caaqil Cumar uu ahaa shaqsi nabadeed oo bulshada u adeegayay, isla markaana uusan lahayn wax eed dambiyeed ah oo ka diiwaangashan hay’adaha amniga.

WARARKII KALE

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles