Golaha Ammaanka ee QM oo Cusboonaysiiyay Cunaqabataynta Ka Dhanka ah Al-Shabaab

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si wadajir ah u ansixiyay go’aan lagu cusboonaysiinayo waajibaadka guddiga kormeera cunaqabataynta saaran kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha ayaa u codeeyay go’aanka, kaas oo lagu kordhiyay fasaxa baarista maraakiibta si loo adkeeyo hirgelinta xayiraadda hubka, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo xakamaynta walxaha qarxa ee la sameeyo (IEDs). Tallaabooyinkan ayaa sii jiri doona ilaa 30-ka Nofeembar 2026.

Sidoo kale, cunaqabataynta kale ee Al-Shabaab saaran—oo ay ka mid yihiin mamnuucidda safarka, la wareegidda hantida, iyo xayiraadda guud ee hubka—ayaa weli sii soconaya muddo aan xad lahayn.

Wakiilka Britain ee Qaramada Midoobay, James Kariuki, ayaa sheegay in go’aankani uu xoojinayo dadaallada lagu yareynayo helitaanka hubka ee Al-Shabaab, lagu carqaladeynayo ilaha ay ka helaan maalgelinta, isla markaana lagu taageerayo awoodda iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa in ka badan 16 sano dagaal kula jirtay Soomaaliya, iyagoo si joogto ah u beegsada ciidamada ammaanka iyo shacabka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in tan iyo bishii Febraayo la fuliyay ku dhowaad 220 duqeyn oo cirka ah, kuwaas oo lagu dilay 868 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo diiday go’aamada Muqdisho, difaacayna heshiisyada Puntland la gashay Imaaraadka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland...

Golaha wakiiladda Galmudug oo ansixiyay Xukuumadda Cusub ee Liibaan Shuluq

Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad ah...

Ciidamo la wareegay xarunta ururka qareenada Soomaaliyeed

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa maanta hareereeyay xarunta...

Midowga Afrika oo maanta ka shiraya mustaqbalka AUSSOM iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa maanta oo...

Taiwan oo wakiil cusub u magacawday Somaliland, xilli uu cadaadis kala kulmayo Shiinaha iyo Soomaaliya

Dowladda Taiwan ayaa wakiil cusub u magacawday Somaliland, kaddib...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles