Nin toogasho ka geystay jaamacad ku taalla Mareykanka oo lagu raad-joogo

Baadigoob ayaa socda ka dib markii labo arday ah lagu dilay sagaal kalena lagu dhaawacay toogasho wadareed ka dhacday jaamacadda Brown ee ku taal Providence, Rhode Island, Mareykanka.

Ninka hubeysan ayaa rasaas ku furay gudaha fasalka abbaare 16:00 xilliga maxalliga ah (21:00 GMT) Sabtidii, isagoo ku sugnaa dhismo uu imtixaan ka socday.

Jaamacadda, oo ka mid ah kuwa ugu da’da weyn uguna sumcadda badan gudaha Mareykanka, ayaa la xiray iyadoo booliisku ay baadi-goob ugu jireen ninka hubeysan, kaasoo weli gacanta lagu hayo.

Ardayda ku sugan qeybo ka mid ah jaamacadda ayaa lagu wadaa in loo sheego in ay hoy ka dhigtaan ilaa inta ay booliska ninka ka soo saarayaan aagga.

Saraakiisha Isbitaalka Rhode Island ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah intooda badan ay ku sugan yihiin xaalad “halis ah balse deggan”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo diiday go’aamada Muqdisho, difaacayna heshiisyada Puntland la gashay Imaaraadka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland...

Golaha wakiiladda Galmudug oo ansixiyay Xukuumadda Cusub ee Liibaan Shuluq

Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad ah...

Ciidamo la wareegay xarunta ururka qareenada Soomaaliyeed

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa maanta hareereeyay xarunta...

Midowga Afrika oo maanta ka shiraya mustaqbalka AUSSOM iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa maanta oo...

Taiwan oo wakiil cusub u magacawday Somaliland, xilli uu cadaadis kala kulmayo Shiinaha iyo Soomaaliya

Dowladda Taiwan ayaa wakiil cusub u magacawday Somaliland, kaddib...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles