Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden Mr. Benjamin Dousa iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Intii uu socday kulanka soo dhaweynta ah oo ka dhacay qeybta qaabilaadda garoonka (VIP) ayaa labada Wasiir waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada dal iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn miro dhal ah.

Socdaalka Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda Dowladda Sweden oo qaadan doona laba cisho ayaa la filayaa in uu kulamo muhiim ah la qaato masuuliyiinta Dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si looga wada hadlo maalgalinta mashaariic horumarineed oo haatannay Dowladda Soomaaliya danaynayso in la maalgaliyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbtay madaxbannaanideeda

Itoobiya ayaa ku eedaysay dalka deriska la ah ee...

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles